X

Xaaf isagiibaa meelna haysan muxuu xil iga qaadaa

Gudoomiyaha qaybta Galmudug ee gobolka Mudug ayaa ku qosley xil ka qaadis la sheegay in Xaaf baraha bulshada u soo mariyay.

Gudoomiye Cabdi Rashiid Xaashi Cartan oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in warqada xilka qaadista aan lagala tashan, isla markaana Baraha Bulshada uu ku arkay.


Waxa uu sheegay in Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee Gobolka Mudug uu la sameeyay wadatashi sidaas daraadeedna aan xilligaan jirin wax xilka qaadis ah.

Sidoo kale isaga oo ka hadlayay xiriirka dawladda dhexe iyo Maamulka Galmudug ayuu sheegay in Galmudug aysan xiriirka u jari Karin Dawladda Federaalka maadaama ay tahay Xubin ka mid ah dowladda.


Gudoomiyahan ayayna jirin cid xilka ka qaadi karta sida Xaaf u diidey inuu doorashada ku qabto xilligeeda.

Dhinaca kale Xaaf oo ka hadley maamulka Dhuusamareeb ayaa ku calaacalay inuuna tegi karin Cadaado soona arkin gurigiisa muddo sanada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.