X

Xaalada Baardheere oo degan iyo firxadkii argagixisada oo isugu ururey Buaalo waana lagu socdo

Wararkii ugu dambeeyay magaalada ugu weyn gobolka Gedo ee Baardheere ayaa lagu soo waramayaa in ay degan tahay ciidamadii dawlada Somaliya ee qabsaday magaaladana ay joogaan daafaha magaalada iyo buundada iyo madaarka kana baadhayaan in argagixisadu kaga tagtey walxaha qarxa. Argagixisada ayaa qufac u diidey shacabka reer Baardheere mudo todobo sano oo ay xukumayeen.

Jen. Yuusuf Cusmaan Dhuumaal oo ka mid ah Saraakiisha hogaamineysay howl galkii lagu qabtay Baardheere ayaa sheegay in ciidamada aanay gudaha magaalada wada gelin doonin, isagoo xusay in howl gal sifeyn ah ay ka bilaaban doonto.

“Waxa ugu horeeya ee la qabanayo waa howl galka sifeynta magaalada, dad shacab ayaa ku dhaqan, waxayna Ciidamada ka taxadari doonaan gelitaanka magaalada, waxaa laga yaabaa in miinooyin lagu diyaariyay ama baabuur qarax, ciidanku wuxuu ku sugan yahay madaarka iyo Buundada”ayuu yiri Jen. Dhuumaal.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha haraadiga ee ku haray Baardheere ay ka sifeynayaan, maadaama uu xusay in argagixisadu muddo sanado ah maamuleysay, ayna suura gal tahay in waxyaabo uga tageen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in degmada Baardheere ay u sahleyso inay uga sii gudbaan Gobolka Jubadda Dhexe, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ay isu diyaarinayaan duulaan labaad oo ku wajahan gobolkaas.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.