Xaaska argagixisadii Daacish ee rasaasta ooda uga qaaday dad maqaaxi ku cawaynaayay ayaa markii ugu horeysay hadashay sheegtayna in ayna waxba ka ogeyn ficilada gacan ku dhiiglaha.
Turkiga ayaa fiise soo siiyay dhiigmiiradka isaga iyo xaaskiisa si ay uga shaqaystaan Turkiga wuxuuse ugu abaalgudey in dalkii iyo dadkiii uu martida u ahaa uu dhiigooda xalaashado.
Dadka la xasuuqey ayaa ku cawaynaayay maqaaxida iyadoo uu u soo galay habeenkii sanadka cusub, waxayse ku waayeen naftooda goobta markii dhiigmiiradkan ajaanibka ah uu xalaashadey dhiigooda.
Booliiska ayaa ku dabajira dhiigmiiradkan si ay waajibkiisa u marayaan inkastoo aan la soo celin Karin dadkii uu xalaashadey dhiigooda.
Hay’adaha Turkiga ee ku dabajira Daacishkan xaauuqa gaystey ayaa sheegay mid mid u maray goobaha uu dhiigmiiradku maray.
Xaaskiisa oo la waraystey ayaa sheegtay inta goobood ee ay mareen iyadoo marna ka shikiyin hawsha diinta ka baxsan ee uu diyaarinayay ninkeedu.
Lama oga inta la siiyay si uu hawshan u fuliyo, iyadoo ay dhici karto in tigidhkana ay ka soo bixiyeen.
Dhiigmiiradka xasuuqa gaystey ayaa ka yimi dal fiqiira oo ka tirsan Ruushkii hore lana yiraa Kirgistaan kuna noolyihiin kooxo diintu ku cusub tahay oo xagjir wada ah.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS