X

Xaaska safiirkii Giriiga ee Baraazil oo la qabtey kadib dhimashada safiirka iyo sababta

Safiirkii Giriiga u fadhiyay Baraazil ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintey gaadhi gubtey oo ka dhacay buundo ku taala dalkaasi. Booliiska Baraazil ayaa suaalo ku bilaabey xaaskiisa oo soo sheegtay oo kaliya Arbacadii.

Booliiska ayaa rumaysan in safiirka oo xaaskiisu u dhalatey Baraazil ay iyadu lug ku leedahay dilkiisa.

War xaaskiisu booliiska siisay ayay u sheegtay in ninkeedu guriga ka baxay isagoo aan u sheegin halka uu tagayo.
Wararka ayaa sheegaya in gaadhiga gubtey aanu ku dhex jirin safiirku oo gaadhigu madhnaa.

Booliiska ayaa intaa ku daray in fadhiga ay degan tahay xaaskiisa laga helay dhiig. Way dhici kartaa in safiirka lagu soo diley guriga ayay booliisku u sheegeen warbaahinta

Wararka ayaa sheegay in ay hadda baadhitaanka u wadaan in xaaskiisu sariir dhaaf la leedahay askari booliisa oo hadda ku jira baadhitaanka dadka loo qabtey.



Ciidanka sirdoonka ayaa bilaabay waxay ugu yeereen ”dambiga jacaylka”

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.