Xadka beenta ah ee u dhexeeya Balad-xaawo iyo Madheera ayaa welli xiran taas oo saameyn weyn ku yeelatay isku socodka dadka, ganacsiga iyo waxbarashada. Kiiniya ayaa masuuliyada weyn leh.
Tallaabada lagu xirey xuduuda ayaa waxaa ka dambeeyay maamulka degmada Balad-xaawo kadib markii uu sheegay in ay soo badanayaan tacaddiyada ay ciidamada Kiiniya ka sameynayaan halkaasi.
Gudoomiyaha dhalinyarada ee magaalada Shiine ayaa sheegay inuu taageersan yahay talaabada xuduuda beenta ah loo xirey uuna raaciyay kaliya shacabka Balad-xaawo aanay u baahneyn dhanka Mandheera ee sidoo kale shacabka Mandheera u baahan yihiin kuwa Balad-xaawo.
C/llaahio Warmooge
ARAABINEWS