X

Xafiiska warfaafinta ee Dayib Erduqaan oo iska masaxay aalada wasaab kana codsaday Turkida kadib markii

Xafiiska warfaafinta ee Dayib Erduqaan oo iska masaxday aalada Wasaab (Whatsup) kadib markii shirkadu qasab uga dhigtey dadka isticmaala inay ogolaadaan sharciyada cusub ee ay soo saartey hirgalayana bisha soo socota.


Wasaab oo aad loo isticmaalo dhinaca telfoonada qaasatan fariimaha qoraalka iyo codka hadalka ayaa aad u fidey, haddana waxay dadka ku qasbeysaa inay shuruucdeeda qaataan ama iska masaxaan aalada.

Waxa aad u carooday dadka isticmaala badankooda oo hadda dad badan uga wareegi doonaan aaladaha kale ee la midka ah. Wasaab ayaa ku doodeysa in shirkada Faysbuug iibsatey sanadii 2014-kii ay hadda rabto inay macluumaadka dadka ka iibsato shirkadaha.


”Waa gumeysi cusub oo dhinaca aaladaha ah waxa wasaab ku dhawaaqay waxaan ugu baaqayaa Turkida inay isticmaalaan aaladaha la midka ah ee Turkidu samaysay sida BIP ayuu yiri xafiisku.

Bogii aan ku lahayn wasaab waxaan xiraynaa berito oo Isniina waayo ma aaminsanin in fariimahayagu yihiin kuwo aamina ayuu raaciyay xafiisku.


”Caadiyan aaladaha ajaanibtu leeyahay waxay halis ku yihiin wadamada kale waxana adeegsan kara sirdoonka wadanka laga leeyahay, waxayna ku socotaa in dalkasta yeesho aaladiisa ayuu yiri Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.