Gudi ka kooban Culimo Nabadoono iyo isimo ayaa labadii bari ee lasoo dhaafay ku mashquulsanaa soo Afjarida colaada ka dhalatay ciidamada uu aruursaday gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samed Maxamed Galan.
Shiikh Axmed Yuusuf Daad oo kamid ah culimada deeganada Puntland horayna u ahaa gudoomiyihii gudiga soo dhawaynta qaxootiga Yamen ayaa ka hadlay xiisadii ka jirtay duleedka degmada Carmo.
Shiikh Axmed Yuusuf ayaa sheegay inay wanaagsantahay xaalada iyo hawlihii ay ku mashquulsanayeen culumada nabadoonada iyo isimada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS