Madaxwayne Kuxigeenka Dawladda Puntland ahna Ku-simaha Madaxwaynaha Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa ka warbixiyay Dagaalkii Suuj iyo Hawlgalka Puntland ay kula dirirayso Argagixisa Kooxda Alshabaab ee duulaanka kusoo qaaday Puntland.
Eng Camay ayaa sheegay in Hawlgalka Suuj uu wali soconayo, waxaana uu sheegay in xalay Argagixiisadu ay iksu dayday inay ka baxdo Toga Suuj balse ciidanka Difaaca Puntland oo sheeda kala socday ay rasaas huwiyeen.
”11:25 Daqiiqo xalay ayay isku dayeen inay Toga Suuj ka baxaan Ciidankeena ayaa rasaas huwiyay dib ayay godka ugu noqdeen marka laga reebo intii meesha ku dhimatay, waxaana qorshaha Puntland uu yahay in lasoo afjaro Argagixisada” Ayuu Yiri Madaxwayne Kuxigeenka dawladda Puntland.
Dawladda Puntland ayaa siwayn uga feejigan in Kooxda Alshabaab ka tirsan ay galaan Buuraha Galgala, waxaana uu sheegay inaysan sidoo kale ogalayn inay dib ugu noqdaan meelihii ay ka yimaadeen.
Ugu dambayntii Waxaa uu sheegay in Ciidanka Puntland Hawlgalka uusan khasaare badan ka gaarin dhanka Kulub ayuu sheegay in 2 askari ka dhimatay 7 dhaawac ah balse dhanka Suuj hal askari ka dhaawacmay Ciidanka Amaanka dawladda Puntland, iyadoona Eng Camay uu cadeeyay in ay wadaan tirakoobka kooxaha la laayay ee dhiigmiiradka ka tirsan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS