X

Xarfaan la shaqeeya C/raxmaan Ciro oo reer Awdalstate ka saaray liiska goob uu ka hadlayo

Xarfaan la shaqeeya C/raxmaan Ciro ayaa reer Awdalstate ka saaray liiska goob uu ka hadlayo berito oo Arbaco ah. Musharaxa Wadani C/raxmaan Ciro ayaa beri ka hadlaya mac-hadka siyaasada ee Chatham House.

Machadkan oo London ku yaal ayaa hadalo looga reebaa madaxda la filayo in ay berito noqon karaan madax gobolada iyo dalalka ay ka soo jeedaan.

Siyaasiyiin reer Awdalstate ah oo rabay in ay goobta tagaan suaalana waydiiyaan musharaxa xisbiga Wadani ee maamulka Somaliland ayaa laga saaray liiska ka qayb galayaasha ama martida imanaysa.



Arintan ayaa fadeexad weyna iyadoo meesha ay ka baxdey dimoqraadiyada maamulka Somaliland sheegto iyo iyagoo ka baqay in C/raxmaan Ciro dhex fadhiisto suaalaha qaar oo xasaasi noqon lahaa.

Waxa si gaara ARAABINEWS ula soo xiriirey mudane Prof C/samad Nageeye iyo siyaasi Cali Faarax Cabdullahi oo liiska iska waayay daqiiqadihii u dambeeyay.

Waxay sheegeen in aan loo sheegin sabab liiska looga saaray laakiin ay la xiriirto suaalaha ay waydiin lahaayeen oo aan la jeclaysan. Prof Nageeye oo hore uga qayb galay kulan sidan ahaa ayaa muujiyay in reer Awdal la wada qabin xitaa xilligan goosiga maamulka.



Waxayna rabaan kaliya in goobta laga dhigo meel Somaliland laga wada raacsan yahay taas oo ka baxsan xaqiiqda jirta, Ingiriiskana waxna ka qarsooneyn.

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.