X

Xarun Muqdisho shacabka loogu adeegi lahaa oo noqotey xarun lagu cuno xoolaha masaakiinta

Xarun shacabka Muqdisho loogu adeegi lahaa oo noqotey xarun lagu cuno xoolaha masaakiinta. Xaruntan oo lagu sheegay xarunta aqalka sare ayaa waxa fadhiisan doonaa dad dheregsan oo lagu biilo goobtaasi.



Dadweynaha ayaa aad u cadhaysan laakiin aanan lahayn awood ay xaqooda ku dhacsadaan. Aqalka sare ayaa laga soo guuriyay wadamo shisheeye oo dano waxana ku darsadey dastuurka Sheekh Shariif iyo Faroole.



Ujeedada ayaa ahayd jufo kororsi waxana lagu saxiixay Kiiniya mana ahayn wax Somalidu hirgelisay laakiin lagu qasbey in ay sameeyeen.

Waxa la sugayaa hogaamiye qaran oo dadka u adeega lamase sugayo mid fadhiida oo xoolaha masaakiinta cunisteeda ka gala qaybtiisa.

Sawirada hoose goobta Xasan Sheekh Furey iyo dawlada Turkiga oo maalgelisay

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.