Raiisal wasaarihii dawladii ku meelgaadhka ahayd ee C/qaasin Salaad ahaana duqii Muqdisho xukuumadii dawladii Somaliya Xasan Abshir Faarax ayaa la xaqiijay geeridiisa.
Xasan Abshir Faarax ayaa xanuun awgeed u joogey dalkaasi Turkiga, waxana eheladiisa sheegeen in aan lagu guulaysan daaweynta xanuunkiisa.
Xasan Abshir ayaa mudooyinkii dambe ahaa xildhibaan ka tirsan dawlada dhexe, wuxuuna qayb weyn ka qaatey aasaaska maamulka reerkiisa ee Butlaan. Wuxuu ka mid noqdey wasiiradii lacagta yaraa ee lagu bilaabey maamulkii C/llaahi Yuusuf.
Waxa geerida marxuunka tacsi ka direy madaxweynaha Somaliya Farmaajo iyo raiisal wasaarihiisa Xasan Cali.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS