X

Xasan Sheekh ayaa dib u magacaabay Cumar C/rashiid Sharmaake oo hore u fashilmey inuu noqdo R/w Somaliya

Muqdisho 17 Dec 2014–Xasan Sheekh ayaa dib u magacaabay Cumar C/rashiid Sharmaake oo dadka badankiisu aaminsanyihiin inuu hore u fashilmey inuu noqdo R/w Somaliya lamina garan karo waxa loogu baahday. Madaxda Hawiye ayaa inta badan magacaaba laba R/w oo ka socda beelaha Majeerteen iyo Mareexaan mana jirto wax ay soo kordhiyeen.

Cumar C/rashiid Sharmaake oo ay wataan Maraykanku ayaan la filayn inuu waxweyn soo kordhiyo isagoo hore u keeni waayay fikir cusb oo wax ku soo kordhiya dalka.

Xasan Sheekh ayaa raaligelin u sameeyay beelaha sida weyn u raba federaalka oo hadda mamul ka samaystey Kismaayo iyo Garoowe. Beelahan ayaa inta badan aan rabin in Hawiye Xamar ka maamulo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.