X

Xasan Sheekh muxuu u tagey Addis ababa: SAWIRO

Madaxweynaha waqtigiisii dhamaadey ee Somaliya Xasan Sheekh ayaa Addis ababa ku sugan waxana goobta ku sugan madaxda kale ee urur goboleedka IGAD.

Sidoo kale madaxda IGAD ayaa ku baaqdey in la dadajiyo ilaa dhammaadka bishan  qabsoomidda doorashada madaxweynaha iyo guddoonka Barlamaanka, iyagoo u rajeeyey in arrintaasi ay u dhici doonto sida loo qorsheeyey iyo waqtiga loogu talo-galay in ay ku dhacaan howlahaasi.

Madaxda IGAD, ayaa ugu baaqdey beesha caalamka in xayiraadda laga qaado xawaaladaha Soomaalida ee dibedda, si ay fursad ugu heleen ka qeyb-qaadashada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo isku xirka ganacsiga xooggan ee waddamada caalamka iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

Madaxda IGAD, ayaa sheegtay in ay ku dedaali doono sidii dib loogu bilaabi lahaa dhoofinta xoolaha Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo ay boqortooyada Sacuudiga ugu horreyso, taas oo macno weyn u leh xowliga dhaqaalaha Soomaaliya oo sannadaha soo socda la rajeynayo in uu sameeyo isbaddel ka duwan sidii hore.

Ugu dambeyn madaxda IGAD, ayaa mar kale baaq nabaddeed u jeediyey dhinacyada isku haya dagaallada ka socda waddanka Suudaanta Koonfureed, iyagoo sheegay in ay dedaal walba ku bixin doono joojinta colaaddaasi micna darrada ah.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
admin:

This website uses cookies.