X

Xasan Sheekh oo bedelay taliyihii sirdoonka kuna bedelay Gaafow si kumeel gaadha

Xasan Sheekh oo mudadiisu ka hadhay waxyar ayaa sameeya isbedelo siyaasadeysan oo aan xilligan loo baahneyn xilli uu ku fashilmey waxkasta dalkuna marayo meeshii ugu xumayd siyaasad ahaan. C/raxmaan Tuuryare ayaa xilkii Taliyaha NISA hayay ayaa loo bedelay isla wasaarada amniga oo hadda u muuqata in hal reer isku haystaan.

Warqad xilka looga qaaday Tuuryare ayaa sidan u qorneyd:

Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , loogu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14 June 2016.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.