X

Xasan Sheekh oo ka baaqadey safar uu ku tegi lahaa Dhuusamareeb iyo jahwareer ka taagan socdaalkiisa

Dhuusamareeb–Madaxweynaha Somaliya ayaa ka baaqdey safar uu ku tagi lahaa gobolka Galguduud magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ergooyin iska soo horjeeda ay shir ku leeyihiin si maamul loogu sameeyo. Ergooyinka jufooyinka kala duwan ayaa diidey in ay shir u aadaan meelkale aanan ka ahayn caasimada, iyadoo diidmadaasi ku kaliftey in Xasan Sheekh dib ugu laabto Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in aan wali xal laga gaarin diidmada jufooyinka kala duwan in ay cadaado u tagaan shirka goglan. Waxa kale oo la sheegayaa in taayiro la gubey oo dad badan diidan yihiin soo noqoshada dhow ee Xasan Sheekh iyo shirka lagu qabto Cadaado.

Ciidamadii adkeynayay amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaa bilaabay iney rasaas ku kala eryadaan dadka banaanaxa dhigaya oo diidan in shirka lagu qabto magaalada Cadaado.

Arinta banaanbaxa ayaa soo ifbaxday kadib markii dadka si hoose loogu wargeliyay in shirka lagu qabanayo magaalada Cadaado, kadib markii ay kala jabeen beelaha doonayay in shirka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.