X

Xasan Sheekh oo gaaray Dhadhaab afar sano kadib markii la doortey

Maxaweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo booqda  xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo uu duhurnimadii maanta uu ka degay. Waxaa soo dhaweeyay waaiirka arrima gudaha Kiiniya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kiiniya,Wuxuu booqan doonaa goob caafimaad iyo dugsi waxbarasho, isagoo la kulmi doona hoggaamiyeyaasha dadka qaxootiga ah.

Waa markii ugu horeysay madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo xeryaha Dhadhaab mudadii ay jirtay, waxaana halkaas ku nool dad Soomaali ah oo aad u badan oo muddo rubuc qarni ka badan ku noolaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kiiniya.

Madaxweynaha ayaa waxaa xeryaha Dhadhaab ugu horeeyay wefdi isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya iyo wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kiiniya.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.