X

Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ifraax Axmed oo bilad ka dhex qaaday 77 haweena laakiin waa ayo Ifraax+SAWIRO

London–Ifraax Axmed ayaa ku guulaysatay bilada xuquuqda haweenka Afrika oo ay ka dhex qaaday 77 haweena oo isugu yimi xafladaasi. Xasan Sheekh ayaa la hadlay Ifraax una hambalyeeyay guusha ay u soo hoysay ummada Somaliyeed. Waxa hadaba la is waydinayaa Ifraax Axmed waa ayo maxayse ku mutaysatay biladan qaaliga ah.

Ifraax Axmed waa gabadh Somali ah oo degan dalkaasi Ireland isla markaana qoxooti ahaan ku tagtey halkaasi qaadatayna dhalashada dalkaasi. Ifraax waxay aad ugu ololaynaysay joojinta iyo ciribtirida dhaawaca loo gaysto haweenka Somaliyeed xilliyada jirkooda la jarjaro waxa loo yeero gudniinka.

Ifraax ayaa ku xanuusatay jarjarka jirkeeda loo gaystay waxayna sheegtay in tiraba laba jeer la jaray jirkeeda. Waxase ugu darnayd markay xanuusatay ee la geeyay dhaqtarka Ireland ay haweenkii waydiiyeen waxa sidan jirkeeda u galay oo ay ku jawaabtey waa dhaqan aan leenahay.

Ifraax ayaa dhinaca kale ka caawisa haweenka arimaha ay u baahan yihiin iyadoo samaysay urur ay leedahay oo arimahaas qabta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.