Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa si weyn maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo oo saacado ka hor uu gaaray. Garoonka diyaaradaha waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba Land,Shacab badan oo caleemo qoyan ruxayay,waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka.
Madaxweynaha ayaa saacadaha soo socda kulan kula qaadan doono madaxweynaha maamulka Jubba Land iyo waliba Xildhibaanada labada aqal ee Jubba Land ka imaanaya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS