Muqdisho–Madaxweynaha Somaliya ayaa lagu hordhaariyay taliyeyaasha cusub ee booliiska iyo asluubta oo xilka kala wareegay. Dhaarta ayaa waxa mariyay gudoomiyaha maxkamada sare Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay taliyeyaasha cusub, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay sii laba laabaan hawshii wanaagsaneyd ee ay horey u qabteen taliyeyaashii ka horeeyay, lana yimaado qorshe amniga dalka lagu xoojinayo.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir),Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidamada iyo mas’uuliyiin kale.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhowaan magacaabay Taliyeyaasha cusub ee Ciidamada Booliska iyo Asluubta, kuwaasoo horay xilal u soo qabtay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM