X

Xasan Sheekh oo lix ay isku jufo yihiin u wadanaya safar uu ku tagayo Adisababa oo shir ka dhacaya+magacyada

Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu u kicitimo dalkaasi Itoobiya oo uu ka furmayo shirka dhaqaalaha waxase dadku la yaabeen in shirka ay sii raacayaan lix ka mida jufada hoose ee Xasan Sheekh oo ah in ayna tagin shirarka noocana ee muhiimka.

Shirkan dhaqaalaha ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelin doona 16 xubnood oo kale, oo ay ka mid yihiinahay xubno ka tirsan beeshiisa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in waftiga intaas ka badan yahay.

Wuxuu madaxweynaha wataa oo safarka ku wehlin doona lix qof oo beeshiisa hoose ee Cali Gaaf, Wacaysle ka tirsan, maadaama uu dhowaanahan xilal ku taxayey beeshiisa.

Hoosta ka fiiri xogta magacyada:

1 – Xasan Sheekh Maxamuud – Madaxweyne

2- Cabdisalaan Cumar Hadliye – Wasiirka arrimaha dibedda

3 – Faarax Sheekh Cabdulqadir – Xildhibaan

4 – Saadaq Cabdikariim Xaaji – Deputy Chief of Staff – Beesha Xasan (Abgaal)

5 – Aweys Xaaji Yuusuf – La-taliye

6 – Muna El-Sharmaan – La-taliye

7 – Cabdiraxman Adan Cusmaan Kampala – Chief Protocol – Beesha Xasan

8 – Daa’uud Aweys Jaamac – Afhayeen

9 – Maxamed Keynaan – La-taliye

10 – Cabdinuur Xasan Faarax – Protocol, beesha Xasan

11- Liibaan Aadan Cabsiye – La-Taliyaha Wasiirka arrimaha dibedda

12 – Hinda Axmed Cali – Kaaliye wasiirka arrimaha dibedda

13 – Iimaan Cabdulqaadir Maxamed – Wasaaradda arrimaha dibedda

14 – Bashiir Khaliif Gaani – Weriye SNTV

15 – Cabdulqaadir Maxamed Xasan – Cameraman, beesha Xasan

16 – Cabdiwahaab Maxamed Macallin – Security, Beesha Xasan

17 – Maxamed Axmed Macallin – Security, Beesha Xasan

Xigasho xafiiska madaxweynaha

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.