Madaxweynaha fadhiidka ah ee Somaliya Xasan Sheekh ayaa u dhoofay Maraykan xilli dhalinyaro badan ku dhinteen badaha. Safarka Xasan sheekh ayaa lagu sheegay mid uu kaga qaybgalayo cimilada arintaas oo dad badan oo waxgarada ku qosleen.
Somaliya oo dhirtii la xaalufiyay ayna jirin dawlad adag oo dalkoo hanankarta waxay ku tahay sharaf dhac ummada Somaliyeed in uu Xasan u soo dhoofo Maraykan kana hadlo cimilada iyadoo joogitaankiisa ayna waxba soo kordhineyn.
Hadaba Xasan muxuu u tagey wararka xanta ah ee suuqa ku Jira ayaa sheegaya in uu tagey dano isaga u gaara maadaama waqtigii ka soo dhamaanayo, wararkalana ay sheegayaan in Maraykanku rabo in uu markale soo baxo maadaama uu yahay waqti lumis.
Dadka Somalida ayaa og in mudadii uu joogey Xasan Sheekh oo ahayd muddo dheer oo afar sano ah ay ku khasaareen oo aan haba yaraatee jirin wax uu soo kordhiyay aan ka ahayn in qofkii ka dambeeyaa uu isna kow ka soo bilaabo.
C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS