X

Xasan Sheekh oo si aan hore looga baran uga hadlay jabkii argagixisada loogu gaystey Halgan

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom oo maanta si geesinimo leh u jabiyay argagixisada Al Shabaab oo weerar ku soo qaadey fariisimada ciidanka ee degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ciidammada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ayaa weerarkaasi uga diley argagixisada in ka badan laba boqol oo maliishiyaad ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan si diiran u soo dhoweynayaa guusha ballaaran ee ay soo hoyeen ciidankeena iyo kuwa Itoobiya oo cashar lama ilaabaan ah u dhigey cadowga. Jabkani xooggan ee argagixisada loo geystey waxaa uu muujinayaa in argagixisada la iska dhicin karo, loona geysan karo dhirbaaxo ka kulul kan maanta loo geystey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in jabka loo geystey cadowga uu niyadda u dhisayo shacabka nabadda jecel, isagoo intaa ku darey in hadafka dowladda Soomaaliya uu yahay in gebi ahaanba dalka iyo gobolka Geeska Afrika laga ciribtiro argagixisada Al Shabaab iyo kooxaha kale ee ku fikirka ah.

“Dagaalka lagula jiro argagixisada wuu sii socon doonaa. Goobo badan ayaa lagu jebiyay, meelaha kooban ee ay ku harsan yihiinna goor dhow ayaa laga sifeyn doonaa. Waxan sidoo kale u hambalyeynaya shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab taagan dadaalka ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee inaga caawinaya dagaalka lagula jiro argagixisada’’.

Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa weerarka ay saaka ku fashilmeen waxaa sidoo kale looga qabsadey hub tiro badan iyo saanad kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.