Maxamed Xasan Xaad oo ka mida qaswadeyaasha ka dambeeya muranka Banaadir ayaa sheegay in ay dhisanayaan maamul u gaara isla markaana uuna rajo ka sugeyn shirka maamul jufeedyada qaar iyo Xaan Sheekh.
Xaad oo la hadlay warbaahinta gudaha,waxuu sheegay marna inaysan ka sugeyn madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul gobolleedyadda dalka xaquuqda uu gobolku leeyahay,waxuuna marka ku tilmaamay hoggaamiyayaasha shiraya inay dhacsadeen xaquuqda gobollada ay ka yimaadeen,iyaguna ay doonayaan sidii ay xaquuda gobolka usoo dhicin lahaayeen.
“Wax natiijo ah kama sugeyno shirka madasha ee Muqdisho ka socda,gobolkan Banaadir xaqiisa annaga usoo dhiciineyna,waxuuna la mid yahay gobollada kale ee dalka,”ayuu yiri nabadoon Xaad.
Waxuu inta ku daray guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye in saddexda malyan ee ruux oo ku nool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho inay sameysan doonan maamul cusub oo ay ku baadi goobayaan xaqa ay leeyihiin,sida uu yiri.
Warbixintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS