X

Xasan Sheekh oo xilkiisii dhamaaday iyo baaq loo sheegay in uu xilka wareejiyo

Kulan ay Maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah Musharaxiinta Soomaaliyeed ee u diyaarka ah iney ka qeyb galaan doorashada la filayo iney sanadkaan ka dhacdo Soomaaliya ayaa kulankooda waxa ay kaga hadleen Xaalada siyaasadeed ee Dalka.

Waxa ay kulankooda ka soo saareen go’aano la Xiriira waqtiga ka dhamaaday Madaxweynaha Soomaaliya iyo sida uu qabo in sharciga la waafajiyo.

Waxa ay sheegeen in sharci ahaan marka uu Madaxweynaha waqtiga ka dhamaado in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya lagu Wareejiyo awooda Madaxweyne ee Dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Dastuurka dalka uu qabo in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu si KMG ah xilka Madaxweynenimo ee dalka inuu hayo inta ay ka dhaceyso doorshada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.