X

Xasan Sheekhoow Hadaad Nimankii Dilay Yuusuf Dirir Cadaalada Hor Keeni Waydo Sida Loo Aarsado Waan Naqaanaa

Salaadiinta, Cuqaasha iyo waxgaradka beesha uu ka soo jeeday marxuum Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi oo Muqdisho lagu dilay dilkiisiina wali lagu jiro in la soo gabagabeeyo ayaa ka hadlay sheegayna in dilka Yuusuf cadyahay oo Madaxweynaha Soomaaliya ciidankiisii gaarka ahaa u soo direy isla markaana shirqool uu soo maleegay.

Waxaanay madaxdhaqameedkani intaa ku dareen haddii madaxwaynaha Soomaaliya sharciga soo taagiwaayo nimankii dilkaa qorshaysan gaystay oo maxkamad la soo taagi waayo in ay gacantooda ku aarsan doonaan isla markaana cidda u dhimamaysaa ay tahay Madaxweynaha iyo inta ku xeeran.

Ugu horrayn Xasan Dirir Cabdi oo goobta ka hadlay ayaa hadlkiisa ku bilaabay.”Muu ahayn nin ay baarlamaankaas u gaysay hunguri iyo mishaharo, waxa uu ahaa nin u galay halgankaas uu mudada dheer soo galay ee Soomaalinimadda ah, doonaayay inuu ka biyo dhigo ayuu ahaa. Baarlamaanka Somaaliyana waxa aan leeyahay waar nin dhirbaaxo quudheed qarsaday dhaqayadeed maalye caruurtaaday dhaxal u tahay xaajadaad dhabarka saartaaye”

Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale ayaa caddeeyay in aanay ka samrayn dilka Yuusuf Dirir cidday u haystaanna ay tahay Madaxweynaha Soomaaliya oo askartiisii dishay shirqoolna ku dileen isla markaana laga doonayo Xasan Sheekh haddii uu wanaag doonayo in uu Maxkamd soo taago dhagar qabayaashii dilkaa gaystay haddi taasi ay dhici waydana ay toos u aarsan doonaan.”

Maanta waxaa cadaatay isagoo wali hanka ku jira oo Soomaalinimo doonaya ,darajana una doonan Soomalinimadaas uu waligii ku halgamaayay ee carabka uu ku hayay uun ba gaysay laakiin nasiib daradu wax ay tahay naftu way dhimanaysaa wakhtigeeda ayayna dhimanaysaa laakiin waxa weeye halgamaaga wayn ee Yuusuf Cabadi dirir (Ilaahay ) Muxuu sabab uuga soo dhigay!!

”Sabab waxa uu uuga soo dhigay Isagoo soomaalinimo u tagay Xamar In dawladii halkaas ka dhisnayd ee Soomaalida Xamar ama madaxwaynaha Xamar Uu Madaxda ka yahay Shirqool ay soo dhigtay oo gurigiisa ah oo qoriga lagu dilay meesha laga soo qaaday gaadhiga dhibaatadda gaystay ee isaga iyo cidii la socotayba dilay ee ciidamada isku sheegayay maalintaas ilaa maanta ay dilista gaysteen halka ay ku xeroodaan waxa ay noqotay madaxtooyada markii danbana meesha ay arintu fadhiisatay waa madaxtooyada muqdisho, Madaxtooyada Muqdisho wax weeye ilaahay soomaalida waxaba uuma kala qarin Soomaalidu waxa ay isu dhiibtaa waa war waxa ay ku sheekaysataa waa war, warka Xog ogaalka ah ee aanu haynaa waxa weeye anagu cid kale oo aanu u daba fadhinaa ma jirto waa cadaynaynaa, Markhaatigii waanu haynaa, arimo goob jooga ayaanu haynaa, cidii ku furaysay baanu haynaa, Madaxtooyada Soomaaliya ee Nin ka Xasan Sheekh Maxamud, La yidhaahdaa Madaxwayanaha ka yahay iyo ehelkiisa ayay arintii fadhidaa”.

Ninkii Soomalinimo doonayay ee Xamar u socdayow ku quuso Yuusuf Dirir, ninkii Waayeelka ahaa ee Xasan Sheekh Maalintii La dooranayay u yeedhinayay ayuu ahaa ee Baarlamaanka Soomaalida ugu Waynaa uguna Aqoonta Badnaa, uguna waayo aragsanaa hadii uu shirqool yar u ku go’ayna waxa weeye Soomaaliida Loo Gacan haadinayay ku quuso, Hadii kalena Wadkaaga u Yeedho.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.