Qaraxii argagixisadu saaka ka gaysatey dekedda Muqdisho ayaa loo qabtey argagixiso waxana la soo bandhigey sawirkiisa. Dhimashada ayaa badnayd.
Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigau Ruux lagu tuhmay in uu ku lug la haa Weerarkii ka dhacay banaanka Dekada Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Sirdoonka ayaa indhaha waxey ka xireen Ninkan, iyagoona intaasi kadib ku qaaday mid ka mid ah Gaadiidkooda Dagaalka.
Ninkan ayaa waxaa ku socda baaritaano la xiriira Qaraxii maanta ka dhacay Dekada Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Somaliya ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay la shaqeeyaan dawlada si looga hortago in lagu xasuuqo dariiqyada iyo xaafadaha at degan yihiin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS