X

Xasuuqii u dambeeyay ee argagixisdada iyo wasiir hore oo ay qarax ku xasuuqeen

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta abbaaro duhurnimadii qarax xoogan oo gaadhi lagu dilay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadii KMG ,Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii dalka Soomaaliya.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in goor dhawayd qarax gaadhigiisa loogu xidhay lagu dilay gudoomiyihii golaha dhexe ee urur siyaasadeedka KULAN Muxiyadiin Maxamad Xaaji Ibraahim oo horena xilal wasiir uga soo qabtay dawladihii KMG ahaa ee Soomaaliya ee dawladdi Nuur Cadde.

Masuulkan ayaa gaadhi yar oo uu watay oo loogu xidhay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay agagaarka is-gooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku dhintay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadii R/Wasaare Nuur Cadde Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim, qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof kale oo gaadhiga la saarnaa.

 Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan,dhinaca dawladdana ma jirto illaa hadda cid ay farta ku fiiqday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.