Shacabka magaalada Muqdisho iyo ajaanibta ku nool caasimada ayaa durbadiiba iska hilmaamay xasuuqii dhiigmiiratadu ka gaysatay xeebteena waxayna u soo nasasho tagaan bilicda RABI.
” Wadamada ugu amniga wanaagsan Caalamka waxaa mararka qaar ka dhaca Qaraxyo sidaas darteed ma ahan inaan ka baqno qarax hal mar dhacay ama aan u cabsano amnigeena , sidaas waxaa yiri qaar ka ka mid ah Shacabka magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwooda u dabaal taga xeebta Liido ”
Xeebta Liido oo aad ugu wacan dhanka Dabaasha iyo nasashada waxaa maalin kasta u soo Damaashaad iyo dalxiis taga shacabka ku nool magaalada Muqdisho & Ajaanib ka shaqeeysa Isbitaalada iyo Safaaradaha ku yaala caasimada .
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS