X

Xeer ilaaliyaha oo beeniyay war ay faafsadeen ilaalada Sheekh Shariif

Xeer ilaaliyaha qaranka Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa beniyay war ay soo faafsadeen ilaalada fadhiid Sheekh Shariif iyo xisbigiisa aan sharciyaysnayn ay ku sheegeen in rasaas lagu furey oo ayna jawaabina.


Warkan aan is qaban ayaa waxa ka jawaabay xeer ilaaliyaha qaranka Saleebaan Maxamed oo isagu fuushanaa gaari ka horeeyay kan booliiska ee ay warqada ku soo qorteen. Wuxuu yiri xeer ilaaliye “Gaariga la sheegay inuu Xabad huwiyay ilaalada Sheekh Shariif waa gaari booliis ah oo ilaaladaydu saarneynd.

Labo gaari oo yaryar oo wadada ku sheekaysanayay wadadana xirtay kadibna gaarigii booliiska sanka u soo galiyay gawaaridooda ayaa keentay halka xabo ee dhacday. Waxaan caddaynayaa wax intaas ka wayn inaysan jirin cid weerartay ilaalada Sheekh Shariifna aysan jirin” ayuu yiri Suleymaan Maxamed Maxamuud.


Sheekh Shariif oo hore u sheegay inuu dawlada ka saari doono Muqdisjo ayaa saaxada siyaasada ku fashilmey asagoo horeyna Somaliya u geliyay nidaam gaalo oo ayna qaadi karin iyo weliba dastuurlii qaranka oo uu kubedelay midkii gaalada. Cali Calasow ayaa qaba inayna jirin dhalinyar u diyaara in qoriga u qaataan fadhiid Sheekh Shariif oo iska dhiga shaqsi la raadsanayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.