X

Xiisada qaad joojinta oo Kiiniya siyaasiyiin isku weerareen

Agaasimaha beeralayda qaadka ee Kiiniya Munya ayaa ka cadhoodey hadal ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka Kiiniuya Ruro oo ahaa in beeralaydu raadsadaan waxkale oo qaadka ku bedeshaan maadaama suuqii Somaliya uu istaagay.


Munya ayaa ka dalbaday Ruto inuu faraha kala baxo qaadka maadaama aan loo dirsan. ” Madaxweyne Uhuru ayaan u dirsanay wadahadalka iyo xalinta qaadka ayuu yiri agaasimaha beeralayda qaadka. Qaadku waa bulsho mana aha in la siyaasadeeyo.

Beerlayda Kiiniya ayaa ku dhow inay kacaan kadib markii Somaliya oo ahayd suuqa ugu weyn ee qaadka Kiiniya ay joojiyeen cudurka Koroona awgeed.


Dawlada Somaliya oo dhaqaale kooban ka heli jirtey ayaa iyadna weyday dhaqaalahaas, waxana jira in qaadku ku soo galo dalka si tuuga ah.

Hadalka agaasinka beeralayda ayaa waxa isna ka jawaabay siyaasi taageersan Ruto oo yiri waa saxan yahay suuq kale raadsada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.