Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku soo warramayo in xiisado dagaal ay ka taagan tahay degmada Baladxaawo ee gobolkaasi.
Xiisadda ayaa u dhexeysa Guddoomiyaha degmadaasi Baladxaawo Yuusuf Gaandi, iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka maamulka Jubbaland Cabdirashiid Macallin oo shalay halkaas gaaray.
Warar ayaa sheegaya in Wasiir ku xigeenka markii uu tagay Baladxaawo uu soo bandhigay Aragti isbedel loogu sameynayo maamulka oo ay ka biyo diideen Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan & Odayaasha dhaqanka .
Wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay in Ciidamo fara badan uu geeyay degmada Baladxaawo taas oo keentay in Xildhibaanka iyo Guddoomiyaha ay isaga baxaan degmada Baladxaawo ayna tagaan duleedka degmadaasi.
Masuuliyiinta u ambabaxay duleedka Baladxaawo ayaa sheegay in aysan dooneyn in ay ku dhex dagaalamaan dadka rayidka ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS