X

Xildhibaan Ayuub Ismaaciil oo si adag uga hadley ciidamada Kiiniya

Xildhibaan Ayuub Ismaaciil oo ka tirsan aqalka sare ayaa si adag uga hadley ciidamada Kiiniya oo madaafiic shalay Ku garaacay Baladxaawo iyo deegaanada u dhow, khasaarana u gaystey shacab Somali ah.


Xildhibaanka oo aad uga cadhoodey Somalida Kiiniya Ku dishey madaafiicda ayagoo wata magaca Amisom ayuu sheegay in Kiiniya wax badan loo dulqaatey haddana ay bilowdey inay xasuuqdo shacabkeena ayadoo Ku dhuumanaysa maleeshiyo baxsad ah.

“Ciidanka dawlada dhexe waa ciidan aad u tababaran oo aan biyo u kaban karin cadowga waxayna burburiyeen dhaan dhufaysyadoo Kiiniya qoday ayuu yiri.


Xaalada Baladxaawo ayaa degan waxaba dib u soo noqonaysa nolosha caadiga ah. Kiiniya ayaa jecel in dalku aanu degin si dhaqaalaheedu u kobco.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.