Muqdisho–Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku baaqay in la soo xiro Axmed Madoobe isagoo ku eedeeyay in maalin kasta la dilo dadka reer Kismayo qaarna badda lagu guro. Xildhibaankan oo ah gudoomiye ku xigeenka arimaha gudaha ee barlamaanka Somaliya ayaa ku tilmaamay waxa uu wado Axmed Madoobe wax aan la aqbali karayn.
“Xeer Ilaalinta waa inay dacwad ku soo oogtaa oo ay soo xirtaa Axmed Madoobe, waxa ka socda Jubooyinka looma dulqaadan karo, dadka la leynaya waa dadkeyga ee meydadkooda badda soo caarineyso mar walba”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.
Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Urur Goboleedka IGAD inay dastuurka uu ku howl galayo Maamulka Jubbaland ay iyagu sameeyeen, taasna ay tahay wax aan la aqbali karon.
“In Gabre iyo Afey ay qol isku soo xiraan oo Dastuur sameeyaan taas ma ahan mid aan ogolaaneyno, anagaa Xildhibaankooda ah deegaankaas, mana ka yeeleyno, dastuur waa kan shacabka Soomaaliyeed ay ogol yihiin”ayuu si kulul u yiri Daahir Jeesow.
Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan qaar ka mid ah beelaha dega Jubooyinka ay cabasho ka muujiyeen habka qeybinta kuraasta Xildhibaanada, iyagoo ku eedeeyay Axmed Madoobe in beelo badan uu xaqooda duud-siiyay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS