Xiisada Kiiniya iyo Somaliya ayaa dood dheer gelisay barlamaanka dalkaasi Kiiniya halkaas oo xildhibaan ka tirsan barlamaanka dalkaasi Kiiniya uu dalbadey in musharixiinta dalka Somaliya dalka laga saaro.
”Halkani maaha Muqdisho ee waa Nayroobi waxayna doorashadii u soo wareejiyeen Nayroobi waxaan dalbanaynaa in musharixiinta halkan ololaha ka wada inay kula noqdaan dalkooda ayuu yiri xildhibaan caraysan.
Kiiniya ayaa awood ku joogta Kismaayo waxayna ku haysaa Axmed Madoobe oo ay halkas maamul uga samaysay uu ku naaxo wwaxuu rabana ka sameeyo ayuu yiri Cali Calasow.
Somaliya ayaa eriday sdafiirkii Kiiniya u fadhioyay Muqdisho halka safiirkeedii Nayroobina u yeertay si ay ula tashato. Waxa dawladu taageero balaadhan ku heshay arintan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS