X

Xildhibaan ka tirsan Somaliland oo sheegay in Xasan Kheyre saami ku leeyahay haamaha Berbera

Xildhibaan ka tirsan Somaliland ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre saami ku leeyahay haamaha Berbera. Guddi musuqmaasuq oo uu magacaabay maamulku ayaa warbixin ka soo saaray waxa u qabsoomey.



Waxaa noosoo baxday in ay khatar ku jirto hamaha shidaalka Berbero,waayo waxaa jiro cadaw ka faa’iideysanayo Shirkadan ku buhoobay halkaan oo intooda badan laheynba cida leh ayna diideen in ay sheegaan Berbera Oil Group,waxan xaqiiqsanay in ra’iisul Wasaaraha Soomaliya uu qeyb ku leeyahay ayuu yiri Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire.



Marka laga soo tago Warka ka soo baxay Guddiga dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland, majirto cid si rasmi ah u xaqiijisay Saamiga la sheegay in shirkadaas uu ku leeyahay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa horay Saami ugu lahaa Shirkadda Som oil and Gas balse markii Ra’iisul Wasaare loo Magacabay uu kala baxay Saamigii uu ku lahaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.