X

Xildhibaan nacnac oo shil ku galay Hargeysa

Xildhibaan Axmed Maxamad Diiriye Nac-nac oo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada somalilland,ayaa saaka shil gaadhi oo ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa uu dhaawac ka soo gaadhay,kaas o la sheegay inuu fudud yahay.

Shilkan oo saaka ka dhacay meel aan sidaasi uga fogayn xarunta wasaarada wax-barashada ayaa ka dhashay gaadhi nooca iska rogadaha,kaas oo la sheegay inuu xildhibaanka oo lugayna turuska ku dhiftay dabadeed uu dhulka ku dhacay nac-nac,balse waxa xusid mudan in aanu daayirka gaadhu jiidhin xildhibaanka.

Dhanka kalena xildhibaan Nac-nac ayaa isbitalka guud ee magaalada Hargeysa loola cararay halkaas oo lagu soo daweynayo dhaawiciisa iyadoo hadda la sheegay In ay xaaladiisa caafimaad ficantahay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.