X

Xildhibaan sheegay in afhayeenka barlamaanka ka guurey madaxtooyada

Xildhibaan sheegay in afhayeenka barlamaanka ka guurey madaxtooyada halkaas oo amnigiisa ay ku ilaalin jireen ciidamo Somali ah iyo Amisom. Talaabadan ayaa wax u dhimaysa hanaanka dawladnimo, kana dhigeysa afhayeenka mid shaqadiisa gudan waayo soona dedejin doonta in laga xayuubiyo xilka.


Xildhibaan ka mida kuwii ku fashilmey in ay keenaan tiro ku filan ayaa bartiisa baraha bulshada ku soo dhigey in afhayeenku ka guurey madaxtooyada, taas oo uu u malaynayo inay horumar tahay.


Xildhinaan Cabdirisaaq Maxamed oo Af-Ingiriis ku qoran yahay magaciisa ayaa sidoo kale sheegay in afhayeenka sidaas yeelaymarkii loo diidey in ay la kulmaan.

Wararka mooshinka burburey ayaa waxa loo aanaynaa in ay tahay Imaaraadka iyo Sucuudiga oo diidey inay bixiyaan malaayiin doolar oo lagu iibsado kuwa kale.


Mooshinka xilka looga qaadayo madaxweynaha ayaan socon karin ilaa la xaqiijiyo eedaymaha loo jeedinaayo inay sax yihiin, taas oo ay adag tahay xataa inay jirto maxkamad dastuuri ah.

ARAABINEWS ma xaqiijin karto warka xildhibaankaas ku qorey bartiisa baraha bulshada. Waxase afhayeenku hadda cadeeyay inuu mooshinkaa burburey keeni doono barlamaanka laakiin aan la ogeyn cida ka doodi doonta.

Wuxuu ku adkeystay in mooshinkan burburey uu sharci yahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.