Xildhibaanada aqalka sare ee aan loo baahneyn ayaa 50 kun ugu deeqay fatahaada. Xildhibaanada ku Jira aqalkan sare ee aan la garanayn halka dhaqan ahaan ka soo galo Somalida ayaa qaatey magaca Maraykanka ee Senate.
Somaliya ayaa loo soo guuriyay nidaam ayna waxba ka garanayn oo uu ku jiro waxa loogu yeero aqalka sare mana jiro dastuur qeexaya wuxuuna ahaa heshiis ay kala saxiixdeen saxiixayaaashii Mihiiga hogaaminaayay.
Kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanadan fadhiga ku qaata lacagta laga soo guro hooyada yaanyada iibisa ayay ku gooyeen inay 50 kun ugu deeqaan dadka ku waxyeeloobay fatahaada webiga Shabeele ee Beledweyne.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS