Xildhibaanada beesha dhexe oo uu shir gudoomiyay C/raxmaan Ciro ayaa ansixiyay xeer ay diidanayaan xildhibaanada reer Awdal. Xeerka ay ansaxsadeen xildhibaanada beesha dhexe ayaa waxa ka maqnaa oo aan fadhiyin xildhibaanada ka soo jeeda Awdal. Xerka ayaa dhigaya in Awdal ay ka soo bixi karaan oo kaliya 13 xildhibaan.
Beesha dhexe ayaa ka mideysan in xeerkaas aan la bedelin maadaama Ingiriisku iyaga siiyay kuraas badan halka beelaha kalana la siiyay badhkood.
Lama garan karo jawaabta ay bixin doonaan xildhibaanada reer Awdal maadaama ay ka maqnaayeen shirkan uu gudoominayay C/raxmaan Ciro oo ay ku jiraan xisbigooda Habar Yoonis (Isaaq).
Telefishanka ku hadla codka Siilaanyo ayaa laga daawaday C/raxmaan Ciro oo sheegaya natiijada isagoona sheegay in uu ansax yahay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM