Xildhibaanada Hirshabeele ayaa ka neefiyay gudoomiye Maxamed Waare oo uu miiska u saarnaa soo jeedin xilka loo qaadayo. Gudoomiye Waare ayaa lagu eedeeyay inuu ku mashquuley koox lacago ka qaata beesha caalamka halkii uu waxa uu haysto ku jiheyn lahaa argagixisada.
Guddoomiyaha golaha Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa sheegay in xildhibaanada ay ka laabteen mooshinkii ay keeneen, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay muujineyso in xildhibaanada Hirshabeelle ay marwalba diyaar u yihiin gudashada hawlahooda.
Gudoomiye Maxamed Cabdi Waare ayaa hore uga go’ay horjoogeyaasha gobolada ee ku xiran shisheeyaha.
Gudoomiye Waare oo joogey goobta loogala noqdey soo jeedinta xilka looga qaadayay ayaa sheegay in xildhibaanadu canaan u soo jeediyeen.
Horjoogeyaal ay ka mid yihiin Cabdiwelli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo Xaaf oo ku xiran shisheeyaha qasaya Somaliya ayaa looga yeeray Kiiniya.
Dawlada dhexe ee Somaliya ayaa diidey in shisheeye dhexdhexaadiyo iyaga iyo horjoogeyaasha gobolada kuna tilmaamey wax laga naxo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS