X

Xildhibaanada Koofur Galbeed oo maalmo yar u qabtey Shariif Xasan

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa maalmo yar u qabtey Shariif Xasan oo fadhiida waxna aan ku soo kordhin maamulka uu uga tanaasulay Allaa yarxamu Madoobe Nuunow oo argagixisadu ku dishey Hutel Naasa hablood.



Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin isbedel doon, Mooshinka ay ka wadaana Shariif Xasan in ay saxiixeen 91 xildhibaan, iyaga oo tilmaamay maalmo kadib Shariifn Xasan inuu ka mid noqonayo shacabka, oo ay ula jeedaan in ay hoggaanka ka tuuri doonaan.



Shariif Xasan ayaa loogu baaqay inuu jagada baneeyo intaan laga tuurin, waxase jawaabta uu bixiyay ay ahayd inuu meelo kale ku cararo eedana dusha uga tuuro dawlada dhexe.

Dhanka kale xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen inuu u hanjabay Wasiirka Garsoorka Maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lug-buur, oo ay tilmaameen inuu soo wacay, kadibna uu u sheegay hadii ay joojin waayaan Mooshinka inuu dilo doono.



Shariif Xasan ayaa diidey in Baydhabo lagu qabto kulan lagu diidan yahay isaga laakiin ogol kuwa uu isagu soo abaabulo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.