Xildhibaanada Mucaaradka ayaa si weyn u soo dhaweeyay gudoomiyaha barlamaanka oo maalmahan ku maqnaa shir hawleed uu ku joofgey Turkiga. Gudoomiyaha barlamaanka ayaa diidey laba arimood oo dhacay intii uu maqnaa.
Waa mida hore kala dirista gudiga maaliyada oo been abuur ka sameeyay hawlaha maaliyada dalka. Waa ta labaade ciidan booliisa oo loo direy Baydhabo si ay u ilaaliyaan amniga doorashada.
Xildhibaanada mucaaradka ayaa saf iyagoo ku taxan soo dhaweeyay gudoomiyaha barlamaanka ayago isku sdayaya inay kla faaiideystaan hadalada ka soo yeeray gudoomiyaha.
Si kastaba ha ahaatee gudoomiyaha oo shaqadiisu tahay afhayeen kaliya ayaa u muuqda inuu ku socda wadadii Shariif Sakiin oo ahayd inuu hoosta gashado hawlaha dawlada u yaala.
Waxase la sugaa maalmaha soo socda sidey noqoto hawlaha uu qabto.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS