X

Xildhibaanada Puntland oo gacmaha iskula tagey iyo ilko banaanka yaala: SAWIRO

Xildhibaanada Puntland oo gacmaha iskula tagey iyo ilko banaanka yaala kadib xildhibaan feedh lala dhacay. Feedhkan ayaa yimi kadib ulan ka dhacay Cadaado.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay xiliga ay qabsomeyso doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoo xildhibaanada ay isku qabsadeen in doorashada ay dhacdo 28-ka bisha halka kuwa kale ay dalbadeen in la aqbalo codsigii RW Xasan ee ahaa in doorashada dib loo dhigo 45 cisho.



Dooda ayaa meel xasaasi ah gaartay taas oo keentay iney gacanta iskula tagaan xildhibaanada, waxaana la isgaarsiiyay dhibaatooyin xoogan.

Dadka ay dhibaatada ugu badan soo gaartay waxaa kamid ah Xildh. Maxamed Xasan Geele oo kamid ah maamulka Galmudug, xildhibaankan ayaa sida aad sawirada ka arki kartaan waxaa ka maqan qeybta sare ee ilkihiisa halka dhinaca isha uu dhaawac xoogan kaga yaal.

Waxaa jira xildhibaano kale oo ay jug culus kasoo gaartay dagaalkan gacanta ah ee ay maanta isula tageen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.