X

Xildhibaanada Somaliya oo ansixiyay miisaaniyada dawlada ee uu soo gudbiyay Dr Bayle: SAWIRO

Xildhibaanada Somaliya ayaa ansixiyay miisaaniyada dawlada ee uu soo gudbiyay Dr Bayle. Kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka1-aad Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sh.Muudey.



kulanka maanta ayaa Waxaa Soo Xaadiray Xildhibaano Tiradoodu gaareysa 161 mudane.
Xildhibaanada ayaa loo Qeybiyay Ajendayaasha Kulanka maanta oo kala ahaa:
1. Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Miisaaniyadda 2018
2. Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Dib-u-eegista Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida & Hay’adaha Qaab Ciidameedka leh “Sharci Lr.6 31-ka Oktoobar 1969”



Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa ay guda galeen Ajendaha 1-aad, waxayna Cod u qaadeen Miisaaniyadda 2018
waxaana Ogol u codeeyay 162 Mudane, waxaa ka aamusay hal mudane sidoo kale waxaa Diiday hal mudane kale.

Ajendaha kulanka maanta ayaa waxa uu ku furmay 161 iyadoo 3 mudane kale ay kusoo kordheen inta uu kulnka Socday.

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo Goob joog ahaa kulanka ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida ay Ugu codeeyeen Miisaaniyadda 2018.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.