Xildhibaanada xiisad ka dhigaya qabashada Qalbi Dhagax oo la ogaadey tiradooda. Kadib markii Galmudug qabatey sarkaal ka tirsan ururka aan taageerada haysan ee ONLF ee dhibka ku haya shacabka Itoobiya waxa jirey xildhibaano ka dhigtey fursad soo baxdey oo lagu weeraro dawlada.
Xildhibaanadan ayaa intooda badan bilaa shaqo ah laakiin AAN OGNAHAY sidey ku heleen kursiga oo ah nidaamka foosha xun ee fadhi ku cun xoolaha masaakiinta.
Xog ay heshay ARAABINEWS ayaa lagu ogaadey tirada xildhibaanadan oo u badan kuwo hore shir ugu qabsadey Kiiniya dabadana ay ka riixayaan dawlado isugu jira Carab iyo Afrikaan dantoodu tahay nacayb ay u qabaan Madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaanadan ayaa gaaraya kaliya 67 waxayna dhawaan isku dayeen in ay ku shiraan huteel ku yaala Muqdisho waxayse arkeen in intii ku jirtey ay sii kala carareen kadib markii uu yimi shiki ayagoo maqley in durba lacago la qaybsadey.
Nidaamka ka jira Somaliya ayaan lahayn isla xisaabtan waana ta u saamaxdey xildhibaanadan aan la dooran in ay waxay doonaan sameeyaan ama sidii la doono loo iibsado maadaama waxa wadaa ay tahay dan shaqsi iyo nacayb ay u qabaan dawlad laga filayo shaqo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS