X

Xildhibaanadii soo jeedinta ka keenay Jawaari oo eedayn ka keenay fashilkii

Xildhibaanadii soo jeedinta ka keenay Jawaari ayaa eedayn ka keenay fashilkii ku yimi soo jeedintooda ahayd in cod loo qaado in Jawaari haysto codka kalsoonida barlamaanka.



Xildhibaanada ayaa sheegay in laga been abuurtey kuwii la sheegay inay ka noqdeen soo jeedinta codka kalsoonida barlamaanka.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ahaa Xildhibaanadii shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu dhaqmo sharciga iyo Dastuurka u yaalla, isagoo ku tilmaamay wixii shalay ka soo baxay kulankii Guddiga joogtada ay ahaayeen kuwo aan xeerka iyo sharciga waafaqsaneyn.



“Guddi joogtana go’aan kama gaari karaan Mooshinka (Jawaari) Guddoomiye uma ahan Golaha shacabka, inta Mooshinka yaallo, annaga Mooshinka aan wadno waa mid ku socda dariiqa saxd ah.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali.

Shalay ayay ahayd markii fashil ku yimi soo jeedinta codka kalsoonida oo lagu wadey in lagu qaado Jawaari.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.