Waxaa maanta oo arbaco ah magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug lagu doortay sideed Xildhibaan oo kamid noqonaya Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada maanta lagu doortay magaalada Cadaado ayaa lix kamid ah waxa ay horey uga mid ahaayeen Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday, waxaana Xildhibaanadan kaliya ku jira labo Xildhibaan oo cusub.
Halkan ka Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Galmudug maanta lagu doortay
1-Xuseen Qaasim Yuusuf Iidow (Murusade Sabti -Ayaan Same)
2- Xasan Macalin Maxamuud (Murusade Sabti -Abakar )
3-Mustaf Sheekh Calu Dhuxulow (Murusade -Foor Culus-Habar Ceyno)
4-Bootaan Ciise Caalin (Duduble -Maxamed Camal)
5-Maxamed Cabdulle Geesey (Duduble-Owradeen)
6-Xirsi Aadan Rooble ( Habar Gidir -Saruur -Cumar Ibraahim)
7-Saadaq Cbadi Kariin Xaaji (Abgaal- Wcaeysle- Cali Gaaf)
8-Cabdilaahi Cali Axmed (Abgaal Waceysle-Marooyin)
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS