X

Xildhibaano Nayroobi ku midoobey oo shir jaraaid qabtey sheegayna waxay ku midoobeen: SAWIRO

Xildhibaano Nayroobi ku midoobey ayaa dalka ku soo noqdey shir jaraaidna qabtey sheegayna waxay ku midoobeen. Xildhibaanadan ayaa u badan kuwo hore u soo fashilmey oo hadda boos raadinaya una maraya wado qaldan iyo in ay u xagliyaan shisheeyaha raba xasilooni daro sii socota.

Xildhibaan C/rashiid Xidig ayaa sheegay in aysan iyagu aheyn mucaarad, isla markaana dowladda aysan si gaar ah mucaarad ugu aheyn, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in waxa ay isu baheysteen uu yahay in Horusocod, dalkana la hormariyo.



“Anaga qolo mucaarad ma nihin, dowladda ma mucaaradsani, kamana keeneyno mooshin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxaa isu baheysanay waa in dalka la hormariyo, horayna loo socdo”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

C/rashiid Xidig ayaa meesha ka saaray wararka suuqa loo geliyay ee ku saabsan qorshaha loo sameeyay madasha, wuxuuna tilmaamay inay doonayaan in dalka ka gudbo nidaamka 4.5, loona gudbo nidaamka xisbiyada.



“Maadaama dalkan la rabo inuu horusocod, lagana gudbo nidaamka 4.5, waxaa rabnaa inaan noqono xisbi dalkan ka dhisan, xildhibaan kastana waxaa laga rabaa in labo sano kaddib inuu xisbi ka tirsanaado”ayuu yiri Xidig oo intaa ku daray in cid kasta ay u furan tahay inay ku soo biiro horusocod

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay dhowr Xildhibaan oo iyana ku dheeraaday hadafkooda, waxaa ay xuseen in ujeedkooda yahay isla xisaabtan, wixii qaldan ay saxaan, balse aanay sida wararka baraha bulshada loogu sheegayo.

Kooxdan ayaa ku fashilantey in ay xisbi isku bahaystaan mana haystaan waxgarad hogaamin kara ayagoo is tilmaamay xilli dalku ku socdo wado toosa dadka badankiisuna ogaadeen in uu wato cadowga Somaliyeed waayo sadex bilood kahor ayay u codeeyeen dawlada hadda jirta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.