X

Xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo argagixisada shabaab oo daaha laga rogey

Xubnaha dabagalka amaanku way ku kala qaybsan yihiin ilaa xad inta maamulka Somaliland uu maalgeliyo ururka argagixisada ah ee shabaab ee inta badan xasuuqa ka gaysta Koofurta Somaliya iyadoo halmar kaliya ay weerar ka gaysteen Woqooyiga Somaliya xilligaasna uu madaxweyne ka ahaa Daahir Rayaale oo ka soo jeeda Awdal.

Waxa in muddo ahba la darsayay xiriir nooceeya ayaa ka dhaxayn kara argagixisada xalaashatay dhiiga Somalida Koofureed iyo maamulka Somaliland waxase soo baxay cadeymo aan la iska indhatireyn kuwaas oo toos u galaya maamulka Somaliland qaasatan xubnaha ku Jira maamulka Siilaanyo magacaabay.

Waxa ugu horeeya Cali Warancade oo ah wasiirka arimaha gudaha, Dahabshiil, Muuse Biixi, Maxamed Yoonis Biixi, Xirsi Cali Xassan iyo Suleymaan Ciise Axmed iyo xubno kale oo ku jirey maamulka.

Waxa khubarada amnigu is waydinayaan xiriir nooceeya weeyi xiriirka Somaliland iyo argagixisada shabaab waxana la isku raacay baaritaan la sameeyay in uu laba dhinac yahay: Waa Argagixisada shabaab oo iyagu raba maalgeshi ay ku wadaan falalka ay ku xasuuqaan shacabka Koofurta halka dhinaca maamulka Somaliland uu yahay in ay ictiraaf ku hesho qaska ka taagan Koofurta Somaliya.

Waxa Jira siro la helay oo sheegaya in Dahabshiil ku shubtey kaydka bangi ku yaal Muqdisho lacag gaaraysa $50,000 oo doolar si ay u taageerto nin lagu magacaabo Ismaaciil Muuse hawlaha uu ka wado Koofurta Somaliya.

Sirdoonka reer Galbeedka ayaa aaminsan in Dahabshiil ay kayd bangi oo iyagu leeyihiin kuna yaala Hargeysa ay dhigaan lacag gaaraya $18, 000 oo doolar lacagtaas oo ay la baxaan rag la yaqaano oo argagixisada ka tirsan oo jooga Hargeysa.

Talaabadan ayaa khalkhal gelisey dalalka la jaarka ah Somaliya ee Itoobiya iyo Jabuuti kuwaas oo xirtey xuduuda dhinaca Somaliland kadib markii maamulka Hargeysa sii daayay rag ka tirsan argagixisada sanadii 2012.

Heshiiska xoogan ee ka dhexeeya labadooda waa mamulka Hargeysa iyo argagixisada shabaabe ayaa xataa keentay in diplomaasiyiinta reer Galbeedku ka guuraan Hargeysa una guuraan Muqdisho iyo Nayroobi.

Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday diyaarada Daalo iyo kii xeebta LIIDO waxa gebi ahaantiis laga soo abaabuley waliba maalgeliyay maamulka Hargeysa, waxayna sirdoonka reer galbeedku aaminsan yihiin in uu hogaaminayay Ismaaciil Muuse.

Madax badan oo ka soo goostey argagixisada shabaab ayaa iyagu qirtey halka lacagta ugu badan iyo is diyaarinta iyo sirta laga soo qaataa ay tahay maamulka Somaliland.

Warbixintii

Peter Wolfson & Greta Backstrom

Investigative Journalists

Nairobi, Kenya & Stockholm, Sweden

admin:

This website uses cookies.