X

Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka oo ka qayliyay musharaxa Donald Trump

Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi Maraykanka ayaa ka qayliyay musharaxa hogaaminaya tartarka musharaxa xisbiga oo hadda ah cunsuriga Donald Trump. Madaxda ugu saraysa xisbiga ayaa sheegay waa in la joojiyaa Trump haddii la rabo in xisbigani uu dib ugu soo noqdo madaxtinimada dalka.

Xildhibaanada aqalka sare ayaa qaarkood sheegay in ay ka fariisan doonaan siyaasadaba haddii aan la joojin Trump oo diidey in uu iska fogeeyo nin cunsuri ah oo weyn oo laga yaqaan dalkaasi oo aaminsan ”sareynta cadaanka”. Waxay sheegeen in rajadoodu xun tahay haddii Trump noqdo musharaxa xisbiga.

Madaxda qaar ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu joojin karaa Trump ay tahay in la taageero musharaxa ugu soo dhow ee Ted Cruz taas lafteeda oo ay sheegeen in ayna garanayn sida ay u socon doonto.

Afhayeenka barlamaanka ayaa sheegay in xisbiguy ka walaacsan yahay wadada uu ku socdo Trump iyo aflagaadada uu u gaysto dadka aan cadaanka ahayn oo muhiim u ah doorashada dalkaasi.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.